Xusuusqor

Xusuusqor Dagaalladii Sokeeye Dis.30/1990 -Juun1994

Dallka Sokeeye ed.

Paperback (15 Jan 2024) | Somali

  • $27.03
Add to basket

Includes delivery to the United States

10+ copies available online - Usually dispatched within 7 days

Publisher's Synopsis

Ma aha riyo. Ma aha dheelallow. Waa dhab in ay Soomaalidu kol ahayd dad mid ah oo dalkooda jecel. Dad isu hiilliya, isu ficilooda. Waxay taageeri jireen cid kasta oo Gobannimadeeda u halgamaysa, ha ahaadeen Falastiiniyiin, Soomaali, Afrikan ama kuwo qaarado kale ku nool oo Afrika ku abtirsada oo midabkooda loogu dawgalo sida xasaradihii foosha xumaa ee midabtakoorka, xagga waxbarashada, ee kontomeeyadii ka dhacayey Little Rock, Arkansas (Ameerika) iyo meelo kale. Waa mabda' aan xudduud lahayn.

Istaageeridda Soomaalidu waxay ahayd halgan dhinacyo badan. Tusaale: Ardayga ku taxan dugsiga Maamulka, sida qoraaga buuggan iyo jaalalkiisii, wixii ay gelinka hore soo barteen ayay gelinka danbe ka dhigayeen dugsiyada Xarunta S.Y.L. Ardaygu, kolkii uu buugga saddexaad dhammeeyo, galabtii wuxuu ahaa bare dhigaya buugga kowaad. Afafka qalaad ka sokow, waxaa la baran jirey Af-Soomaaliga oo lagu qorayo far Cismaaniye sida uu jideynayey Dastuurkii hore ee S.Y.L. qodobkiisa 5aad.

Farriinta ballaaran ee uu Xusuusqorkani xambaarsan yahay waxay ku kooban tahay oraahda duluc hoosaadda u ah magaca buugga ee ah sida ay qabyaaladdu u tahay cudurka halista ah ee sumeeyey bulshadan iswalaalaysigii iyo kalsoonidii lumisay.

Book information

ISBN: 9781907540790
Publisher: Yuusuf N Cosmann
Imprint: Yuusuf N Cosmann
Pub date:
Edition: Dallka Sokeeye ed.
Language: Somali
Number of pages: 246
Weight: 367g
Height: 210mm
Width: 148mm
Spine width: 19mm